Bixi lacagta xadgudubka Work Zone Speed Camera
English | عربي | 简体中文 | 한국어 | Русский | Af Soomaali | Español | Tiếng Việt
Bixi ama qir lacagta xadgudubka work zone speed camera, ama codso dhagaysi si looga doodo xadgudubka, codso ganaax la dhimay ama diyaari qorshe lacag-bixineed onlayn, talefoon ama boosto ahaan
Haddii gaari uu ka muuqdo sawir ay qaaday work zone speed camera isagoo ka sarreeya xawaaraha la oggol yahay, tigidh la yiraahdo Warqada Ogeysiiska ayaa loogu diri doonaa boostada milkiilaha diiwaangashan ee gaariga gudaha 30 maalmood ee xadgudubka. Waxaa lagaa rabaa in aad kaga jawaabto, mid onlaynka ah, telefoon ahaan ama boosto ahaan, dhamaan Ogaysiisyada Xad-gudubyada. Waxaad dooran kartaa inaad ka jawaabto adigoo bixinaya lacagta ganaaxa, qiranaya xadgudubka, ama codsanaya dhageysi.
Haddii aad kaga soo jawaabi waydo 30 maalmood gudahooda kadib markaad hesho Ogaysiiska Xadgudubka, waxaa loo tixgelin doonaa inaad gashay. Haddii tani ay tahay xadgudubkaadii koobaad, helitaan go’an waxay ka dhigan tahay in ciqaabtaadu noqon doonto $125, laakiin dhammaan xadgudubyada mustaqbalka waxay keeni doonaan ganaax $248.
Bixi ama qir lacagta xadgudubka kaamarada xawaaraha goobta shaqada
Ama
Kusoo dir boostada foomka soo celinta ee ku jira Ogeysiiska Xad-gudubka iyo/ama lacag bixinta:
Washington State Work Zone Speed Camera Program
P.O. Box 1018
900 E. Fayette Street
Baltimore, MD 21203
Marka aad qirato mas’uuliyadda xadgudubka, waxaad oggoshahay inaad xadgudubka gashay oo aad bixin doonto ganaaxa lacageed ee la xiriira xadgudubka.
Marka aad bixiso ganaaxa xadgudubka, waxaad oggoshahay inaad xadgudubka gashay taas oo ka dhigan inaad mas’uul ka tahay bixinta ganaaxa.
Codso dhageaysi si aad uga doodo xadgudubka, codsato ganaax la dhimay ama aad diyaarsato qorshe lacag bixin ahaaneed
Ama
Kusoo dir boostada foomka soo celinta ee ku jira Ogeysiiska Xad-gudubka:
Washington State Work Zone Speed Camera Program
P.O. Box 1018
900 E. Fayette Street
Baltimore, MD 21203
Haddii aadan ku raacsanayn xadgudubkaaga ama aad dhib kala kulanto bixinta ganaaxa, waxaad codsan kartaa dhagaysi. Waxaad dooran kartaa inaad ka doodo xadgudubka, soo gudbiso qoraal haddii aanad wadin gaariga markii xadgudubku dhacayi, codso in ciqaabta hoos loo dhigo duruufaha yaraynta awgeed ama codsato qorshe lacag bixineed.
Waxaad codsan kartaa qorshe lacag bixin ahaaneed markaad codsanayso dhagaysi lagu tartamo ama dhageysi si loo yareeyo qadarka lagugu leeyahay. Waxaad sidoo kale codsan kartaa dhageysi gaar ah si aad u diyaarsato qorshe lacag bixin ahaaneed wakhti kasta inta aad weli lacag kugu leedahay xad-gudubkaaga.
The state’s Office of Administrative Hearings ayaa go’aamiya haddii xadgudubka la joojin doono, la dhimi doono iyo/ama sida loo bixin doono.
Qadarka xadgudubka
Ciqaabta ku xadgudubka Barnaamijka Work Zone Speed Camera waa $125 xadgudubka koobaad, iyo $248 xadgudubka labaad iyo xadgudub kasta kadib. Xadgudubka waxaa loo tixgaliyaa xadgudub aan dhaqaaqin oo la mid ah tigidhka baarkinka. Looma sheegi doono diiwaanka darawalnimo ama shirkadaada caymiska.
Milkiilaha diiwaangashan ee gaariga ayaa mas’uul ka ah bixinta ganaaxa; tani waxay la mid tahay sharciyada kale ee xadgudubyada ee horey uga jiray gobolka.
Bixin la’aanta lacagta/lacag bixinta la daahiyay
Haddii ganaaxa aan la bixin 30 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda ugu horreysa ee kama-dambaysta ah, Waaxda Shaatiyeeynta (Department of Licensing) waxay saari kartaa xannibaad diiwaangelinta gaariga ah.
