Bixi lacagta xadgudubka xawaaraha kaamarada goobta shaqada

English  |  عربي  |  简体中文  |  한국어  |  Русский  |  Af Soomaali  |  Español  |  Tiếng Việt

Bixi ama qir lacagta xadgudubka kaamarada xawaaraha goobta shaqada, ama codso dhagaysi si looga doodo xadgudubka, codso ganaax la dhimay ama diyaari qorshe lacag-bixineed onlayn, talefoon ama boosta

Haddii gaari ay sawirto kamarada xawaaraha goobta shaqada oo ku socota ka sarraysa xadka xawaaraha la dhejiyay, tigidhka lagu magacaabo Ogaysiiska Xad-gudubka ayaa loo diri doonaa qofka iska leh gaariga 30 maalmood gudahooda ee xadgudubka. Waxaa lagaa rabaa in aad kaga jawaabto, mid onlaynka ah, telefoon ahaan ama boosto ah, dhamaan Ogaysiisyada Xad-gudubyada. Waxa aad dooran kartaa in aad ka jawaabto adiga oo bixinaya ganaaxa, qirashada xad-gudubka $0 ama aad codsato dhagaysi.

Haddii aad kaga soo jawaabi waydo 30 maalmood gudahooda kadib markaad hesho Ogaysiiska Xadgudubka, waxaa loo tixgelin doonaa inaad gashay. Haddii tani ay tahay xadgudubkaadii koobaad, helitaan go’an waxay ka dhigan tahay in ciqaabtaadu noqon doonto $0, laakiin dhammaan xadgudubyada mustaqbalka waxay keeni doonaan ganaax $248.

Bixi ama qir lacagta xadgudubka kaamarada xawaaraha goobta shaqada

Ama

Kusoo dir boostada foomka soo celinta ee ku jira Ogeysiiska Xad-gudubka iyo/ama lacag bixinta:

Washington State Work Zone Speed Camera Program  
PO Box 2316  
900 Jefferson St SE  
Olympia, WA 98501 

Markaad qirato masuuliyada xadgudubka $0, waxaad ogolaatay inaad samaysay xadgudub iyo in dhamaan xadgudubyada mustaqbalka ay yeelan doonaan ganaax $248.

Markaad bixiso xadgudubka $248, waxaad ogolaatay inaad samaysay xadgudubka iyo inaad masuul ka tahay bixinta ganaaxa.

Codso dhageaysi si aad uga doodo xadgudubka, codsato ganaax la dhimay ama aad diyaarsato qorshe lacag bixin ahaaneed

Ama

Kusoo dir boostada foomka soo celinta ee ku jira Ogeysiiska Xad-gudubka iyo/ama lacag bixinta:

Washington State Work Zone Speed Camera Program  
PO Box 2316  
900 Jefferson St SE  
Olympia, WA 98501 

Haddii aadan ku raacsanayn xadgudubkaaga ama aad dhib kala kulanto bixinta ganaaxa, waxaad codsan kartaa dhagaysi. Waxaad dooran kartaa inaad ka doodo xadgudubka, soo gudbi qoraal haddii aanad wadin gaariga markii xadgudubku dhacay, codso in ciqaabta hoos loo dhigo duruufaha yaraynta awgeed ama codsato qorshe lacag bixin ahaaneed..

Waxaad codsan kartaa qorshe lacag bixin ahaaneed markaad codsanayso dhagaysi lagu tartamo ama dhageysi si loo yareeyo qadarka lagugu leeyahay. Waxaad sidoo kale codsan kartaa dhageysi gaar ah si aad u diyaarsato qorshe lacag bixin ahaaneed wakhti kasta inta aad weli lacag kugu leedahay xad-gudubkaaga.

Office of Administrative Hearings ayaa go’aamiya haddii xadgudubka la laali doono, la dhimi doono iyo/ama sida loo bixin doono ganaaxa.

Qadarka xadgudubka

Ciqaabta ku xadgudubka Barnaamijka Kamarada Xawaaraha Goobta Shaqada waa $0 xadgudubka koobaad, iyo $248 xadgudubka labaad iyo xadgudub kasta kadib. Xadgudubka waxaa loo tixgaliyaa xadgudub aan dhaqaaqin oo la mid ah tigidhka baarkinka. Looma sheegi doono diiwaanka darawalnimo ama shirkadaada caymiska.

Qofka iska leh gaariga ayaa ka mas’uul ah bixinta ganaaxa. Tani waxay la mid tahay xeerarka kale ee xadgudubka ee horay loogu isticmaalay gobolka.

Bixin la’aanta lacagta/lacag bixinta la daahiyay

Haddii ganaaxa lagu bixin waayo 30 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda kama dambaysta ah ee ugu horaysa, waxaa laga yaabaa in lagu hayo diiwaangalinta gaadiidka iyada oo loo marayo Department of Licensing.