Bixi lacagta xadgudubka Work Zone Speed Camera

English  |  عربي  |  简体中文  |  한국어  |  Русский  |  Af Soomaali  |  Español  |  Tiếng Việt

Bixi ama qir lacagta xadgudubka work zone speed camera, ama codso dhagaysi si looga doodo xadgudubka, codso ganaax la dhimay ama diyaari qorshe lacag-bixineed onlayn, talefoon ama boosto ahaan

Haddii gaari uu ka muuqdo sawir ay qaaday work zone speed camera isagoo ka sarreeya xawaaraha la oggol yahay, tigidh la yiraahdo Warqada Ogeysiiska ayaa loogu diri doonaa boostada milkiilaha diiwaangashan ee gaariga gudaha 30 maalmood ee xadgudubka. Waxaa lagaa rabaa in aad kaga jawaabto, mid onlaynka ah, telefoon ahaan ama boosto ahaan, dhamaan Ogaysiisyada Xad-gudubyada. Waxaad dooran kartaa inaad ka jawaabto adigoo bixinaya lacagta ganaaxa, qiranaya xadgudubka, ama codsanaya dhageysi.

Haddii aad kaga soo jawaabi waydo 30 maalmood gudahooda kadib markaad hesho Ogaysiiska Xadgudubka, waxaa loo tixgelin doonaa inaad gashay. Haddii tani ay tahay xadgudubkaadii koobaad, helitaan go’an waxay ka dhigan tahay in ciqaabtaadu noqon doonto $0, laakiin dhammaan xadgudubyada mustaqbalka waxay keeni doonaan ganaax $248. Laga bilaabo Luuliyo 1, 2026, xadgudubka ugu horreeya wuxuu ku kacayaa $125.

Bixi ama qir lacagta xadgudubka kaamarada xawaaraha goobta shaqada

Ama

Kusoo dir boostada foomka soo celinta ee ku jira Ogeysiiska Xadgudubka iyo/ama lacag bixinta:

Xadgudubyada aan lacag bixinta ku jirin:
Washington State Work Zone Speed Camera Program
PO Box 2316
900 Jefferson St SE
Olympia, WA 98501

Xadgudubyada lacag bixinta ku jirta:
Washington State Work Zone Speed Camera Program
P.O. Box 9832
Vancouver, WA 98666-8807

Marka aad aqoonsato mas’uuliyadda xadgudubka $0 ah, waxaad ogolaatay in xadgudubka la galay iyo in dhammaan xadgudubyada mustaqbalka ay lahaan doonaan ganaax $248.

Marka aad bixiso xadgudub $248 ah, waxaad ogolaatay in xadgudubka la galay iyo in aad mas’uul ka tahay lacag bixinta ganaaxa.

Codso dhageaysi si aad uga doodo xadgudubka, codsato ganaax la dhimay ama aad diyaarsato qorshe lacag bixin ahaaneed

Ama

Kusoo dir boostada foomka soo celinta ee ku jira Ogeysiiska Xad-gudubka:

Washington State Work Zone Speed Camera Program
PO Box 2316
900 Jefferson St SE
Olympia, WA 98501

Haddii aadan ku raacsanayn xadgudubkaaga ama aad dhib kala kulanto bixinta ganaaxa, waxaad codsan kartaa dhagaysi. Waxaad dooran kartaa inaad ka doodo xadgudubka, soo gudbiso qoraal haddii aanad wadin gaariga markii xadgudubku dhacayi, codso in ciqaabta hoos loo dhigo duruufaha yaraynta awgeed ama codsato qorshe lacag bixineed.

Waxaad codsan kartaa qorshe lacag bixin ahaaneed markaad codsanayso dhagaysi lagu tartamo ama dhageysi si loo yareeyo qadarka lagugu leeyahay. Waxaad sidoo kale codsan kartaa dhageysi gaar ah si aad u diyaarsato qorshe lacag bixin ahaaneed wakhti kasta inta aad weli lacag kugu leedahay xad-gudubkaaga.

The state’s Office of Administrative Hearings ayaa go’aamiya haddii xadgudubka la joojin doono, la dhimi doono iyo/ama sida loo bixin doono.

Qadarka xadgudubka

Ciqaabta ku xadgudubka Barnaamijka Work Zone Speed Camera waa $0 xadgudubka koobaad, iyo $248 xadgudubka labaad iyo xadgudub kasta kadib. Laga bilaabo Luuliyo 1, 2026, xadgudubka ugu horreeya wuxuu ku kacayaa $125. Xadgudubka waxaa loo tixgaliyaa xadgudub aan dhaqaaqin oo la mid ah tigidhka baarkinka. Looma sheegi doono diiwaanka darawalnimo ama shirkadaada caymiska.

Milkiilaha diiwaangashan ee gaariga ayaa mas’uul ka ah bixinta ganaaxa; tani waxay la mid tahay sharciyada kale ee xadgudubyada ee horey uga jiray gobolka.

Bixin la’aanta lacagta/lacag bixinta la daahiyay

Haddii ganaaxa aan la bixin 30 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda ugu horreysa ee kama-dambaysta ah, Waaxda Shaatiga waxay saari kartaa xannibaad diiwaangelinta gaariga ah.